BANAANBAX XOOGAN OO HADDA KA SOCDO WASHINGTON.
(SAWIRKA)-BANAANBAX KA SOCDO WASHINGTON.
(WASHINGTON)-Boqolaal qofood ayaa isugu soo baxay banaanka Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Maraykanka ee Washinton,banaanbaxayaasha ayaa dalbanaayey in Xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza,dibad baxayaashu waxa ey wacad ku mareen iney sii wadi doonaan isu soo baxyada eyna ixtiraamayaan xubin ka tirsan ciidamadda Cirka Maraykanka Aaron Bushnell oo isku gubay banaanka Safaaradda Isra’iil todobaadkii tegay. Dibad baxayaasha ayaa sitay calanka Falastiin waxa eyna ku qeylinaayeen Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Maraykanka JOE BIDEN iyagoo soo bandhigay boorar ey ku qoran yihiin “FALASTIINTA XOR AH”.”JOOJI DUULAANKA”,GACANKA RAFAX”,”JOOJI XASUUQA”,”DHAMMAAN KAALMADA MARAYKANKA EE ISRA’IIL EY SI BILAASH KU HELAYSO DHAQAALE IYO HUB,IYO DHAMMAAN MAAGELINTA MARAYKANKA EE MIDAB TAKOORKA ISRA’IIL.” Dibad baxayaasha ayaa soo xusuustay xubin ka tirsan shaqaalaha Maraykanka Aaron Bushnell oo isku gubay afaafka hore ee Safaaradda Isra’iil todobaadkii tegay. Aaron Bushnell oo ahaay 25-jir waxa uuna ahaay xubin firfircoon oo ka tirsan ciidamadda cirka dalka Maraykanka,Bushnell ayaa u dhintay ka dib markii uu is gubay isagoo ka mudaaharaadayey dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza wuxuuna qoray dardaarankiisa inuu doonaayo in dambastiisa lagu kala firdhiyo Falastiin Xor ah.
ISHA/AA.