GAROONKA DIYAARADAHA SANACA OO FURMAY.
(YAMAN)-Tan iyo markii eey Xuutiyiinta qabsadeen magaaladda caasimadda ah ee Sanca waxaa si fudud u xirmay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaay kana bixi jiray garoonkaas waxa eeyna u wareegeen garoon diyaaradaha ee caasimadda labaad ee dalka Yaman Cadan. Muddo lix sano ka dib,maanta oo Isniin ah(16/5/22)-ka ayaa duulimaadkii ugu horeeyey ka duulay garoonka caalamiga ah ee caasimadda Sanca ee dalka Yaman,duulimaadka maanta ayaa waxaa sameeysay shirkada duulimaadyada dalka Yaman ee AL-YEMENIA,waxayna diyaaradda ka soo duushay garoonka Cadan waxa eeyna Sanca ka sii qaaday rakaab kale oo iyagana ku sii socday dalka Urdun caasimadiisa Camaan,inta badan rakaabka raacay Al-Yemenia maanta ayaa u badan kuwa caafimaad ugu socdo dalkaas Urdun.
ISHA WARKA AP.