MADAXWEYNE KU XIGEENKA MARAYKANKA OO BOQANAYSA….
(ABU DHABI)-Wafdi heer sare ah oo eey hogaaminayso madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Kamala Harris ayaa u ambabaxay dalka Imaaraatka Carabta maanta oo Isniin ah(16/5/22)-ka si eey ugu Tacsiyeeyaan uguna hambalyeeyaan Madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan,wafdigaan ayaa dalka Imaaraatka Carabta kala hadli doono isbedelka Juqraafi ee dhinaca siyaasadda ah uu la yimid dagaalka ka socdo dalka Yukrayn.Tahnoon Bin Zayed Al-Nahyan ahne taliyaha ugu awooda badan dhinaca amniga dalkaas Imaaraatka Carabta ayaa soo dhaweeyey wafdiga Maraykanka eey hogaaminayso Kamala Harris,wafdigaan waxaa ka mida wasiirka arrimaha dibadda Antony BLinken,xoghayaha gaashaandhiga Lloyd Austen,agaasimaha CID-da William Burns iyo wakiilka Cimiladda John Kerry.
ISHA WARKA AP.