TAHRIIBAYAASHA GAARA YAMAN OO HOOS U DHACAY.
TAHRIBAYAL KA YIMID AFRIKA.
(YAMAN-SANACA)-War eey soo saartay hayadda qaramadda midoobay u qaabilsan muhaajiriinta(IOM) ayey ku sheegtay ineey hoos u dhacday tahriibayaasha ka yimaado qaaradda Afrika una badan Itoobiyan iyo Soomali bilihii Maarso iyo Abriil ee sannadkaan-2022-ka,hayadda ayaa xustay tiradda tahriibayaasha ee soo gaartay dalka Yaman bishii Maarso(5354),Abriil(5212) dhinaca kalane hayadda ayaa xustay ineey jiraan muhaajiriin Itoobiyaan ah oo gaaraayo 150-qofood dib ugu laabteen dalkooda hooyo ayagoo ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Cadan ee koonfurta Yaman todobaadkii hore.Waxa intaas dheer oo eey hayaddu sheegtay ineey jiraan Yamaniyiin isaga soo tegay dalka Sacuudiga kuna soo laabtay dalkooda bilihii la soo dhaafay,tira koob eey sameesaya hayadda (IOM) ayey ku sheegtay marka laga soo bilaabo 1/1/2022-ka ilaa 30/4/22-ka waxaa dalka dalka Yaman tahriib ku yimid dad gaaraayo (24,686)-qofood halka Yamaniyiinta ka soo laabatay Sacuudiga isla taariikhdaas kor ku xusan eey dhan yihiin(23,950)-qofood.
DIYAARIYE/ ABKEEY.