DHISMO KU DUMAY DALKA YAMAN.

Tan iyo markii uu bilawday kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta sannadkii-2011-kii Yaman waxa eey ka mid ahayd dalalkii uu saameeyey kacdoonkaas waxa uuna isu bedelay dagaal eey ka dambeeyaan gacmo shisheeye welina ka socdo dalkaas,xaaladda nololeed ee dadka yaman ayaa mid aad u liidata waxa eey la daalaa dhacayaan cunti xumi baahsan iyo macluul gaartay heerkii ugu xumeed.Dadkii ka cararay dagaaladda ka socdo waqooyiga Yaman ee nabad u doontay goboladda koonfureed ayey shalay ku habsatay musiibo xag alle kaga timid waxaane ku soo dumay dhismo eey deganaayeen dad ka soo barakacay goboladda waqooyi ee Yaman dhismaha dumay ayaa waxa uu ku yiilay degmada Khoor-Maksar ee magaaladda Cadan ee hadda saldhiga u ah xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo madaxweyne C/rabu Manuur Haadi,dhismaha ayaa Cadan looga yaqaanaa”Roweyshaan” waane magaca ninkii iska lahaay dhismaha shalay dumay balse dhismaha oo ka koobnaay todobo dabaq ayaa waxaa bililiqeystay todobo sarkaal oo reer koofur ah,qaar ka mida dhismaha waa la iibsaday qaar kalane waa ijaarnaayeen oo waxaa lacag ka qaadan jiray ragii bililiqeystay.Dhismaha dumay ayaa la soo sheegaa ineeysan jirin cid ku dhimatay bale waxaa jiro dad dhaawac ah oo garaayo ilaa 21-qofood una badan dad da’a ah iyo caruur kuwaaso dhammaantood loola cararay isbitaaladda magaaladda Cadan.

Previous
Previous

DALKA SUUDAAN OO KU HANJABAY…

Next
Next

XUUTIYIINTA OO AFDUUBAY MARKAB SITAY CALANKA IMAARAATKA.