DALKA SUUDAAN OO KU HANJABAY…
(KHARTUUM)-Tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Suudaan Cumara Xasan Al-Bashiir sannadkii 2019-kii dalka waxa uu galay fawdo eey ku dhinteen dad fara badan oo qeyb ka ahaay rididii Cumar Al-bashiir waxa uuna dalka Suudaan yeeshay dawlada rayid uu hogaaminaayey RW-Cabdalla Xamduuk balse dawladdas ma eeysan sii shaqeyn waayo waxaa ka hor yimid ciidamadda uu hogaaminaayey Gen.Burhani kaa soo diiday in dalka Suudaan dhawr sano ka dib eey ka dhacdo doorasho xor ah qof kastana uu ka qeyb qaato,arrintaan waxa eey keentay in Qaramada Midoobay soo farageliso arrimaha dalka Suudaan una soo dirto wakiil ka socdo xoghayaha guud ee qaramadda midoobay Gutares wakiilkaas oo la yiraahdo Volker Perthes una dhashay dalka Jarmal ayey hadda waxa eey is qabteen hogaamiyaha ciidamadda xooga ku haysta dalka Suudaan Burhani waxaane Mr.Volker loogu hanjabay in dalka Suudaan laga eryi doono haddii uusan faraha kala bixin faragelinta qayaxan uu ku haayo arrimaha dalka Suudaan.Mr.Volker ayaa waxaa dalka Suudaan loo soo magacaabay bishii Janaayo sannadkii 2021-kii waxa uuna Volker madax ka yahay hawlgalka qaramada midoobay ee dalka Suudaan ee loo yaqaano(UNITAMS).
SUUQBACAAD MEDIA.