QARAX XOOGAN OO KA DHACAY DALKA LIBNAAN.
(SIDON-LIBNAN)-Wararka ka imaanaayo dalka Libnaan ayaa sheegaayo in halkaas uu ka dhacay qarax aad u weyn welina aan la sheegin waxa sababay,qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof waxaane ku dhaawacmay todobo kale,qaraxaan ayaa la soo wariyey inuu ka dhacay meel u dhaw Sidon kuna taalo Koonfurta dalka libnaan sida eey soo wariyeen warbahinada maxaliga ah.Tv-ga Alcarabiya qeybtiisa Afka Carabiga kana hadlay qaraxa ayaa sheegay in qarax ka dhacay dalka Libnan inuu ka dhacay goob u dhaw xafiiska dhaqdhaqaaqa shiicadda ee Amal.
XIGASHO:ANADOLU.