XUUTIYIINTA OO AFDUUBAY MARKAB SITAY CALANKA IMAARAATKA.

(REUTERS):Sida eey ku soo warantay wakaaladda wararka ee Reuters maanta oo Isniin ah(3/1/2022)-ka,kooxda Xuutiyiinta dalka Yaman ee gacan saarka la leh dalka Iraan ayaa waxay afduubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta kaaso maraayey biyaha badda cas una dhaw marinka Baab Al-Mandab,Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabka eey gacanta ku dhigeen uu weday saanad hub ah iyo baabuurta dagaalka halka eey xulafadu la dagaalayso Xuutiyiinta dhinacooda ka sheegeen in markabku weday qalab caafimaad oo loogu talgalay isbitaal ku yaalo Jaziiradda Suqatra ee dalka Yaman,weerarka lagu afduubay Markabka wata calanka Imaaraatka ayaa waxa uu dhacay waqti dambe habeenkii Axada ee la soo dhaafay.ISHA REUTERS

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DHISMO KU DUMAY DALKA YAMAN.

Next
Next

XABSIGA DHEXE EE MAGAALADDA CADAN-YAMAN.