DALKA INGIRIISKA OO LAGU DHEGAN YAHAY…

BURBURKA EY GAYSTEEN DIYADAHA SACUUDIGA.

(YEMAN)-Dawladda Ingiriiska ayaa wajahayso talaabo sharci ah berri oo Talaada ah,dacwadaan loo haysto dalka Ingiriiska ayaa ku saabsan hub uu Ingiriiska ka iibiyey dalka Sacuudiga waqtigii uu socday dagaalka dalka Yeman. Ololaha looga soo horjeedo ka ganacsiga hubka(CAAT) ayaa xukuumadda Ingiriiska lagu horkeeni doonaa maxkamada Sare,doodaan ayaa ah mid ku saabsan hubka uu dalka Ingiriiska ugu deeqay dalka Sacuudiga kaaso keenay in hayadaha caalamiga ah ee dhinaca sharciga ah ey edeyn adag ujediyeen dalka Ingiriiska doorka uu ku lahaay dagaalka dalka Yeman,waane dalka kaliyah ey ka dhacday mid ka mida musiiboyinka bani’adanimo tan ugu xun ee la diiwaan geliyey kana dhaca adduunka. Marka loo fiiriyo warbixinta OXFAM,dalka Ingiriiska ayaa bixiyey shatiyo ugu yaraan ey ku bexeyso lacag dhan $9.6-Bilyan oo doolar oo hub loogu diraayo dalka Sacuudiga,tirada shatiyada la bixiyey ayaa gaaraayo 547-shati marka laga soo bilaabo sannadkii-2015-kii,waxaane hubkaas laga iibiyey Sacuudiga ka mid ahaay diyaaradaha Tornado, Typhoon iyo Bambooyinkooda ey isticmaalayaan.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA MASAR OO XABSIGA U TAXAABAY…

Next
Next

KUWAIT: SHAQAALE FILIBIINE AH OO LA DILAY…