KUWAIT: SHAQAALE FILIBIINE AH OO LA DILAY…
SAWIRKA XOGHAYAHA SUSAN.
(MANILA)-Xukuumadda Philippine ayaa maanta oo Sabti ah sheegtay ineey qaadi doonto talaabooyin ey ku qiimaynayso ugana hortegeyso xadgudubyada ey ka mid yihiin Kufsiga iyo si xun ula maacaamilka shaqaalaha reer Philippine ee ka xoogsado dalka Kuwait ka dib markii qof adeegta ahayd la dilay meydkeedana lagu tuuray dhulka saxaraha ah ee dalka Kuwait. Jublebee Ranara waa 35-jir waxa eyna safar u ahayd dalkeeda Philippine habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay,waxa eyna Ranara ka soo safraysay dalka Kuwait halkaaso ka ahayd adeegto ka shaqeyso guri uu iska leeyahay nin reer Kuwait ah nasiib darase Ranara ayaa lagu soo waramay inuu dilay wiil uu dhalay ninkii ey u shaqeynaysay ka dibne uu gubay meydkeeda waxaane meydkeeda lagu tuuray dhulka Saxaraha ah,sidaas waxaa sheegtay Xoghayaha Shaqaalaha u xoogsi tago dibadda dalka Philippine Susan Ople.
ISHA WARKA AP.