DALKA MASAR OO XABSIGA U TAXAABAY…
BASMA XIGAZI.
(QAAHIRO)-Seddex qofood oo reer Masar ah caana ka ah Aaladda TIKTOK-ga ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii ey baraha bulshada ku faafiyeen warar been abuur ah,sidaas waxaa laga soo xigtay koox u dooda xuquuqda Aadanaha kana dhisan dalka Masar lana yiraahdo”EGYBTIAN FRONT FOR HUMAN RIGHTS”. Dadka caanka ka ah Tiktok-ga ee la xiray ayaa kala ah BASMA XIGAAZI,MAXAMED XUSAAM ELDIIN IYO AXMED CALI ELKHOLI,dadkaan seddexda ah ayaa la xiray 25/1/23-ka ka dib markii ey duubeen Video si aad ah raad ugu yeeshay dadkii daawaday,Video-ga ayaa ku saabsanaay Maxaabiista ku xiran xabsiyada dalka Masar,waxaane Video-ga cinwaan looga dhigay “Booqasho’.
ISHA WARKA MEE.