DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTII 393-AAD.
(SAWIRKA)-SHAXDA MARINKA GAZA.
(GAZA)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza una dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo Isra’iil ayaa ah mid soo bilawday taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii, waxa uune hadda maraa 393-maalmood oo aan kala go’o lahayn. Dagaalkan ayaa hadda waxa uu ku sii fiday dhul aan horay dagaal uga jirin sida dalka Lubnaan oo isagana hadda uu ka holcaayo dagaal u dhexeeyo Ururka Xizbullah iyo Isra’iil, lama yaqaan waqtiga uu joogsan doono dagaalka hadda ka socdo Gobolka Bariga Dhexe waxaase socod isku dayo fara badan oo la doonaayo in lagu joojiyo colaada. Wadamadda Masar, Qadar iyo Maraykanka waxa ey isku dayeen iney si ku meel gaar ah u joojiyaan dagaalka ka socdo Marinka Gaza balse taasi ma eysan suurtagelin oo waa lagu fashilmay, sababaha keenay in xabad joojinta eysan suurtagelin ayaa ah Isra’iil oo ku adkeysatay ineysan ka bexeyn Marinka Gaza iyo Xarakadda Xamaas oo arrinkaas ka biya diidaday. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa hadane mar kale waxaa dib loo yabyabay xabad joojin in la kala dhex dhigo Xarakada Xamaas iyo Isra’iil, arrintaan ayaa waxaa garwadeen ka ahaay dalalka Qadar iyo Maraykanka waxaase ka maqnaay oo aan qeyb ka ahayn dalka Masar sabab aan la sheegin ilaa hadda,si loo socodsiiyo wada hadaladda Xamaas iyo Isra’iil ayey dawladda Qadar isku dayday iney is hor fariisiso wakiiladda Xamaas iyo Isra’iil iyadoo Maraykanka uu ka yahay Goob joog,balse arrintaas ma shaqeynin waayo Isra’iil ayaa mar kale ku adkeysatay isla mawqifkeedii ahaay iney Marinka Gaza ka bexeyn,Xarakada Xamaasne dhinaceeda waxa ey iska diiday iney sii deyneyso Maxaabiista reer Isra’iil, waxaane mar kale sidaas ku burburay xabad joojintii la damacsanaay in lagu joojiyo dagaalka Marinka Gaza. Dagaalkan socday hal sano iyo dhawr maalmood ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 43,314-Qofood, waxaa Caruur ah ilaa 17,210, waxaane Dumar ah ilaa 11,742 halka Dhaawaca uu yahay ilaa 102,019-Qofood,sidoo kale waxaa nolol iyo Geeri lagu la’ayahay dad gaaraayo ilaa boqolaal kun.
ISHA-SB-MEDIA/MUQDISHO.