FADEEXAD SOO WAJAHDAY NETANYAHU.

(SAWIRKA)-NETANYAHU IYO BENNY.

(TEL AVIV)-Reysal Wasaaraha Isra’iil ayaa isu arkay inuu yahay nin ey fadeexad soo wajahday ka dib markii dukumintiyo sir ah laga helay Xafiiskiisa. Faahfaahinta dhacdada oo loo yaqaano”Arrimaha Amniga” ayaa faaf reeb lagu sameeyey laakinse amarka af xirka ah ee lagu soo rogay ayaa qeyb ahaan la qaaday. Xubin hore oo ka tirsan Golaha dagaalka Isra’iil Benny Gantz iyo Hogaamiyaha Mucaaradka Yair Lapid ayaa ka dhawaajiyey bayaan ey soo saareen in Netanyahu uu masull ka yahay wax kasta oo ku dhaca shaqaalihiisa iyo xafiiskiisa. Khubaradu waxay arrinkaan la xiriiriyeen hadalo ey soo saareen ilo-wareedy sheegaayo in Netanyahu uu qorsheynaayo inuu qaar ka mid ah La Taliyeyaashiisa inuu Masabito dushana ka saaro masuuliyadda arrintaan dhacday. Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa si deg deg ah uga jawaabay isagoo farta ku fiiqay faafreebka Ciidamadda Mileteriga,waxa uuna ku andacooday iney ka hortagtay in la shaaciyo tafaasiisha sumcadda Xafiiska,waxa uuna carabka ku adkeeyey in shaqaalihiisa eysan faafin wax duubis ah ama xog sir ah.

ISHA-MEMO.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

XUKUUMADA LUBNAAN OO KU DHEGAN UNIFIL.

Next
Next

DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTII 393-AAD.