UNIFIL OO ISKA FOGEYSAY AFDUUBKA KA DHACAY…

(SAWIRKA)-UN-KA BEEYRUUT.

(BEIRUT)-Wararka ka imaanaayo caasimadda dalka Lubnaan ayaa sheegaayo in Hawlgalka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobe ee ku sugan dalka Lubnaan(UNIFIL) uu Sabtida maanta ah beeniyey iney wax lug ah ku leeyihiin afduubka nin u dhashay dalka Lubnaan oo lagu tuhunsan yahay iney Isra’iil ka fulisay Waqooyiga caasimadda Lubnaan ee Beyruut. “UNIFIL kuma lug yeelan fududeynta wax afduub ah ama xadgudub kale oo ka dhan ah Madax Banaanidda dalka Lubnaan”,Ku-Xigeenka Af-Hayeenka UNIFIL Kandice Ardiel ayaa sidaa ku sheegtay hadal ey soo saartay. “Wararka been abuurka ah iyo kuwa beenta ahba waa masuuliyad darro,waxa eyna halis gelinayaan Nabad Ilaaliyeyaasha”ayey ka digtay. Ciidamadda Amaanka dalka Lubnaan ayaa Sabtida maanta ah sheegay in masuuliyiinta ey baarayaan in Isra’iil ey ku lug lahayd hawgalka dhinaca badda ah ee ninka looga afduubtay magaaladda Batroun oo qiyaastii 30-Km dhanka Waqooyi kaga beegan caasimadda Beeyruut.

ISHA-AA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

DAGAALKA GAZA OO GALAY MAALINTII 393-AAD.

Next
Next

XILDHIBANO MARAYKAN AH OO WARQAD U QORAY..