CIRAAQ IYO INGIRIISKA OO KALA SAXIIXDAY..
(BAQDAD)-Dalalka Ingiriiska iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis lagula dagaalamayo soo galootiga sharci darrada ah iyo ka hortaga kooxaha dadka tahriibiyo ee masuulka ka ah kumanaan muhaajiriin ah oo ka gudbay Kanaalka Ingiriiska iyagoo wata doomo yar yar oo ka imaanaayo Xeebaha dalka Faransiiska,sida ey sheegeen wariyeyaasha maxaliga ah,heshiiska ayaa lagu saxiixay booqasho seddex maalmood ah oo ey Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ingiriiska Yvette Cooper ku tagtay dalka Ciraaq. Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ingiriiska ayaa sidoo kale saxiixday heshiis cusub oo lagu hubinaayo in magangalyo doonka reer Ciraaq ee wajahaya diidamada codsiyadooda magangalyo si deg deg ah loogu celiyo dalkoodii hooyo ee Ciraaq,Wasirradda Ingiriiska intii ey ku guda jirtay booqashadeeda dalka Ciraaq ayey la kulantay Wasiiro ka tirsan Dawaladda Federaalka iyo masuuliyiinta Gobolka Kurdistaan.
ISHA-AH.