BOOLISKA JARMALKA OO XABSIGA DHIGAY…
(BERLIN)-Maanta oo khamiis ah ayaa Garsoore Jarmal ah uu ku dhawaaqay in la xiray wiil dhallinyara ah oo looga shakisan yahay inuu diyaarinaayey weerar ku saleysan ujeedooyin xagjirnimo. Sida lagu sheegay warbixin ey soo saartay Wakaaladda Wararka ee France-Press,tuhmanaha oo aan da’adiisa lacayimin ayaa loo taxaaay xabsiga maalintii shalay oo Arbaca ahayd ka dib markii baaritaan lagu sameeyey gurigiisa taaso lagu ogaaday inuu damacsanaay inuu sameeyo bambooyin macmal ah,sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray Xeer Ilaaliyah Guud ee Koblenz oo ku taalo Koonfur-Galbeed ee dalka Jarmalka. Xeer ilaaliyaha Guud ayaa intaas ku daray ineysan jirin “Wax cadeymo ah”oo muujinaayo in falku uu dhaw yahay ama in la aqoonsaday bartilmaameedka. Laba Waran,Afar xabo oo tuubo ah oo labada cirifba daboolo ku leh iyo qalab kale ayaa laga helay guriga wiilka yar oo ku yaalo Mainz ee dhaca Koonfur-Galbeed iyo qalab loo maleynaayo in loogu talagalay diyaarinta hab lagu shido dabka.
ISHA-SA.