BANGIGA QADAR OO LAGU EEDEYEY INUU MAALGELIYO..
(LONDON)-Wargayska The Guardian ee ka soo baxa cariga ingiriiska ayaa sheegay in wakiilo u shaqeeyo Dawladda Qadar ey u hanjabeen marqaatiyaal eyna bixiyeen lacago laaluush ah si ey saameyn ugu yeeshaan dacwad ey Qaxootiga Suriyaanka ah ee ku sugan dalka Ingiriiska ey ka gudbiyeen”Bangiga Dooxa”dhawr sano ka hor oo lagu eedeeyey inuu maalgeliyo Argagixisadda. Wargayska The Guardian oo soo xiganaayo wakiilka dacwad oogayaasha Max Hill ayaa sheegay in tusaaleyaal faragelin ah oo kiiska lagu sameeyey ey ka mid tahay turjumaada dacwoodayaasha oo laaluush qaatay oo uu ka codsaday iney saxiixaan dukumintiyo aan la tarjumin oo aaney fahmin. Max Hill ayaa intaas raaciyey in qof marqaati ah oo horay uga soo shaqeeyey Wasaaradda Difaac dalka Suuriya isla maraaksne si toos ah u bixin kara marag ma doontadan kiiskan uu ku helay hanjabaadyo dil iyo afduub,qalab dabagal ah oo gaarigiisa loogu xiray,gurigiisane ey beegsadeen niman afka soo duubtay oo dhegaha u banaan yihii,waxa uu si dhab ah uga fiirsaday inuu si dhab ah uga laabto Markhaati furkiisa. Sideed ka mid ah Qaxootiga Suuriyaanka ah ee ku sugan dalka Ingiriiska ayaa Maxkamadda sare u gudbiyey dacwad ka dhan ah Bangiga Dooxa iyagoo ku eedeeyey in loo isticmaalay inuu lacag u xawilo Ururka Argagixisadda ah AL-Nusra Front oo laga mamnuucay dalka Boqortooyada Ingiriiska. Waxaa la xaqjiiyey in Qaxootiga reer Suuriya ey u qaxeen dalka Holland ka dib markii Jabhadda AL-Nusra ee ka talisa qeybo ka mid ah Waqooyiga dalka Suuriya ey baabi’isay noloshooda iyo guryahooda taaso Bangiga Qadar uu beeniyey. Max Hill ayaa xusay in afar ka mid ah dacwoodayaashu ey dhab ahaantii ka bexeen dacwadda sababo la xiriiro hanjabaado loo geystay iyo badbaadada jirkooda. Dhankeeda,Hannah Brown oo wakiil u ahayd Bangiga Dooxa ayaa tiri”Ma jirto wax cadeyn ah oo muujinaayo xiriirka Bangiga uu la leeyahay eedeymaha ama in Bangiga isku dayey inuu farageliyo dacwadaahas ama uu u dhaqmo si sharci darro ah ama si aan habooneyn si kasta”.
ISHA-AH.