DAWLADDA SURIYA OO KA HADASHAY DAGAALKA XALAB.
(DIMISHIQ-SYR)-Sabtida maanta ah ayuu Madaxweynaha Dalka Suriya Bashaar AL-Asad waxa uu wada hadallo gooni gooni ah khadka Telefoonka kula yeeshay Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraatka Carabta Maxmed Bin Zayid AL-Nahyaan iyo Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shayaac AL-Sudani,isagoo sheegay in dalkiisa awood u leeyahay inuu kaashado saaxibadiisa si looga “adkaado Argagixisadda,si kasta oo ey u xoojiyeen weraradooda”. Hadalkaan ayaa noqonaayo kii ugu horeeyey ee uu sheego Madaxweyne Bashaar AL-Asad tan iyo markii ey kooxaha hubeysan ee mucaaradka ah ey bilaabeen weeraro aan horay loo arag oo ey ku qaadeen ciidamadiisa iyo gacan ku haynta magaaladda Xalab iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah. Bayaan ka soo baxay Madaxtooyadda dalka Suriya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Bashaar AL-Asad uu khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Isutaga Imaaraatka Carabta Maxamed Bin Zayid AL-Nehyaan iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Suriya iyo dhawr arrimood oo ku saabsan xaaladda Gobolka.
ISHA-ALHURRA.