94-QOFOOD AYEY GAARTAY TIRADA DADKII KU DHINTAY..

MEYDKII CABDUL CAAL.

(NAHR EL BARED)- Kumanaan reer Falastiin ah ayaa salaadii Janaazata ku dukaday garoon yar oo lagu ciyaaro kubadda cagta kuna yaalo xarunta qaxootiga ee waqooyiga dalka Libnaan shalay oo Sabti ahayd,dadka isugu yimada Janaazada ayaa u baroor diiqaayey dadkii Muhaajiriinta ahaay ee ku geeriyooday doontii ku degtay xeebaha dalkaasi Suuriya todobaadkan.Cabdul Caal Cabdul Caal oo 24-jir ah ayaa dhunkaday macsalaameyeyna aabihiis maalintii Talaada ka hor inta uusan korin doon eey saaran yihiin dad aad u fara badan kana dhaqaaqaday magaalo u dhaw isagoo raba inuu gaaro qaaradda Yurub si uu halkaas uga helo nolol la wanaagsan tan uu hadda ku nool yahay,waa isku daygiisii 14-aad uu sameeyo Cabdul Caal uuna ugu ordaayo tahriibka badda Mideatreaniyaanka si uu u gaaro Yurub laakinse waqtigaan Cabdul Caal waa eey u dhammaatay oo meydkiisa ayaa loo keenay ehelkiisa.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SHEKKH YUUSUF AL-QARADAAWI OO GEERIYOODAY.

Next
Next

IRAAN OO U YEERTAY SAFIIRKA INGIRIISKA EE TEHRAN.