IRAAN OO U YEERTAY SAFIIRKA INGIRIISKA EE TEHRAN.
IRAAN.
(TEHRAN)-Dalka Iraan ayaa waxa uu u yeeray safiirka Ingiriiska u fadhiyo Tehraan sabab la xiriirto banaanbaxyada ka socdo dalkaasi Iraan labadii todobaad ee la soo dhaafay,dawladda Iraan ayaa dalka Ingiriiska uga dacwooday warbaahin saldhigeedu yahay London kuna hadasha luqada looga hadlo dalka Iraan ee Persian warbaahintaas ayaa buunbuuniso mudaaharaadyada ka socdo dalkaasi Iraan.Qoraal soo baxay maanta oo Axad ah ayuu Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iraan ku sheegay sababta loogu yeeray safiirka dalka Ingiriiska ineey tahay inuu ka jawaabo”Cdaawada degaanka”lagana abuuraayo warbaahin ku baxdo luqadda Persian-ka taaso saldhigeedu yahay London,waxa eeyna warbaahintaasi ka soo horjeedaa nabada dalka Iraan sababto ah waxa eey buunbuunisaa geeridda gabar reer Iraan ah oo 22-ji ah kuna dhex geeriyootay saldhig boolis gudaha dalka Iraan,sidaa waxaa lag soo xigtay Wasiirka arrimaha dibadda Iraan.
ISHA WARKA AA.