SHEKKH YUUSUF AL-QARADAAWI OO GEERIYOODAY.
AUN-SHEEKH YUUSUF AL-QARDAAWI.
(DOHA)-Sheekh Yuusuf Al-Qaradaawi oo ahaay caalim reer Masar ah loona arkaayey hogaamiyihii ruuxiga ee Ikhwaan Al-Muslimiinta caalamka ayaa geeriyooday maanta oo Isniin ah isagoo da’adiisu tahay 96-sano sida lagu faafiyey boggiisa rasmiga ah iyo bartiisa Twitter-ka,Sheekha ayaa ku geeriyooday caasimadda dalka Qadar ee Dooxa halkaaso Sheekhu ku joogay Musaafiris ka dib markii talada dalka Masar eey la wareegeen ciidamadda Militeriga ayagoo afgembiyey xukuumadii eey doorteen shacabka reer Masar ee uu hogaaminaayey PROF AUN-Maxamed Al-Morsi sannadkii 2013-kii. Ciidamadda dalka Masar qabsaday ayaa Sheekh Al-Qaradaawi waxa eey ku xukumeen dil toogasha ah isagoo dalka ka maqan kuna sugan dalka Qadar.
ISHA WARKA AP.