1,383-QOF OO RAYID AH AYAA KU DHINTAY DAGAAL KA DHACAY…

(SAWIRKA)-DAGAALADDA SYRIA.

(BEIRUT)-Ugu yaraan 1,383 rayid ah, oo u badan Alawiyiinta, ayaa lagu dilay mowjado rabshado ah oo ka dhacay Xeebta Mediterranean-ka Suuriya, sida uu sheegay kormeere dagaal.
Kooxda la socota Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in dadka rayidka ah lagu dilay "daldalaado ey fuliyeen Ciidamada Ammaanka iyo kooxaha xulafada la ah," ka dib markii mowjado rabshado ah ey todobaadkii hore ka dhaceen Xeebta Xudunta u ah Qoomiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta oo uu ka tirsanaay Madaxweyne Bashaar Assad. Kormeerayaasha fadhigoodu yahay Ingiriiska ayaa intaa ku daray in xitaa markii ey yaraatay shaqaaqadu, ey wali sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay meydadka la helay, qaar badan oo yaalay dhul beereed ama guryahooda. Dhimashadii ugu dambeysay ayaa laga diiwaan geliyey Gobollada Xeebta ee Laadiqiyah iyo Tartuus iyo Gobolka deriska la ah ee dhexe ee Hama’a, ayay tiri. Waxay ku eedaysay Ciidamada Ammaanka iyo kooxaha xulafada ah iney ka qaybqaateen "daldalaada gudaha, barakicinta qasabka ah iyo gubashada guryaha, iyada oo eysan jirin wax sharci ah oo ka hor istaagaya." Rabshadaha ayaa qarxay maalintii Khamiista markii isku dhacyadu ey bilowdeen ka dib markii rag hubaysan oo daacad u ah Bashaar AL-Asad ey weerarro ku qaadeen ciidamada cusub ee Ammaanka. Ugu yaraan 231 ka mid ah Ciidamada Ammaanka ayaa lagu dilay iska horimaadka xigay, sida ey sheegayaan tiro rasmi ah. Kormeerka ayaa sheegay in 250 ka mid ah dagaalyahanada Bashaar Al-asad la dilay. Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay iney diiwaan geliyeen "daldalaado kooban" oo u muuqday "in lagu fuliyay qaab diimeed."
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Ahmad AL-Sharac, oo Hogaaminayey kooxda Islaamiga ah ee Sunniga ah ee Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ee xukunka ka tuurtay Assad, ayaa wacad ku maray in uu Maxkamadayn doono kuwii ka dambeeyay “Dhiiga dadka rayidka ah” isla markaana uu dhisay guddi xaqiiqo raadin ah.
Afhayeenka guddiga, Yaasir AL-Farhan, ayaa sheegay in Suuriya ey ka go'an tahay iney ka hortagto Aargoosi sharci-darro ah eyna dammaanad qaado ineysan jirin wax ciqaab ah.
Maamulka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la xiray ugu yaraan toddobo qof tan iyo Isniintii kuwaas oo looga shakisan yahay "xadgudub" ka dhan ah rayidka. HTS, oo ka tirsan laanta hore ee Suuriya ee Al-Qaacida, ayaa weli u aqoonsan Urur Argagixiso oo ey ka mid yihiin dawlado dhawr ah oo Maraykanku ku jiro.
Tan iyo markii Assad xukunka laga tuuray bishii Diseembar, Calawiyiin badan ayaa ku noolaa cabsi ey ka qabaan Aargoosiga xukunkiisa Naxariis darada ah.

ISHA-AN.

Previous
Previous

KANADA OO CUNAQABATEYNTII KA KHAFIIFISAY SURIYA.

Next
Next

WADAMADA CARABTA OO KA WADA HADLAY…