WADAMADA CARABTA OO KA WADA HADLAY…
(SAWIRKA)-SHACABKA GAZA.
(ISTANBUL)-Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Masar, Qatar, Urdun iyo Imaaraadka Carabta ayaa Arbacada maanta ah magaalada Qatar ku yeeshay wada hadalo ku saabsan taageerada Carabta ee shacabka Falastiin. Kulanka, oo uu sidoo kale ka soo qayb galay Xoghayaha Guud ee Ururka Xoraynta Falastiin (PLO), Hussein AL-Sheikh, ayaa ujeedadiisu ahayd "Isku-duwidda dadaallada ku aaddan horumarka la xiriira arrinta Falastiin," ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ku sheegtay bayaan. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray "Hababka la isku waafajin karo mowqifka Carabta" waxaana dib loo eegay natiijooyinkii ka soo baxay shir deg deg ah oo Carbeed ee dhowaan ka dhacay Qaahira iyo shir aan caadi ahayn oo Ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah ku saabsan taageerada Falastiin, ayay tiri. Bayaanka ayaa lagu sheegay in kulanku looga hadlay "istaraatijiyadaha kor u qaadista iyo xaqiijinta Maalgelinta Carabta-Islaamka ee dib u soo kabashada hore iyo qorshaha dib u dhiska Gaza." Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay iney maanta marti galisay shir ey isugu yimaadeen dhowr Wasiir Arrimo Dibadeed oo Carbeed, kaasoo uu ka qeyb galay Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, waxaana looga hadlay horumarka ka socda Marinka Gaza iyo Gobolka. Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ayaa soo bandhigay qorshaha dib u dhiska Marinka Qaza, kaas oo lagu Ansixiyay shir Madaxeedka Carabta ee Qaahira horaantii bishii March, ayaa lagu daray warka Wasaaradda. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ergeyga Mareykanka "in la sii wado la tashiyada iyo isku dubaridka qorshahan oo saldhig u ah dadaallada dib u dhiska ee qaybta," ayey tiri. Dublamaasiyiinta Carabta ah ayaa ku nuuxnuuxsaday "muhiimada ey leedahay in xabad joojin laga sameeyo Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, iyaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo dadaallo dhab ah si loo gaaro nabad cadaalad ah oo dhameystiran oo ku saleysan xalka labada dowladood, iyadoo la hubinayo fulinta rabitaanka shacabka Falastiin ee Xoriyadda iyo Madax-banaanida." Waxay ku celiyeen "iney ka go'an tahay sii wadida wadahadalka lagu xoojinayo xabad joojinta iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa Amniga, Xasiloonida, iyo Nabadda Gobolka, iyada oo loo marayo dadaallo diblomaasiyadeed oo la xoojiyay iyo isuduwidda dhinacyada kala duwan ee Gobolka iyo kuwa Caalamiga ah," ayey raacisay. Shir Madaxeedka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa lagu Ansixiyay qorshe Carabi ah oo dhameystiran oo dib loogu dhisayo Gaza iyadoo aan la barakicin dadka deggan Falastiiniyiinta. Qorshahan ayaa la filayaa in uu ku dhamaado muddo shan sano ah, waxaana lagu qiyaasaa in uu ku baxayo ku dhawaad 53 bilyan oo doolar. Soo jeedinta Carabta ayaa timid ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qorsheynayay inuu "la wareego" Gaza oo dib u dejin loogu sameeyo Falastiin si ey u noqoto goob loo dalxiis tago. Fikirkaas waxaa diiday dalalka Carabta iyo dalal kale oo badan, kuwaas oo sheegay iney la mid tahay isir sifeyn. In ka badan 48,500 oo qof, oo u badan Haween iyo Carruur, ayaa lagu dilay dagaalka ba'an ee Israa'iil ku hayso Gaza tan iyo Oktoobar 2023. Duulaanka ayaa lagu hakiyay heshiiskii xabbad-joojinta iyo isdhaafsiga Maxaabiista, kaas oo qabsoomay bishii Janaayo. Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo bishii Nofembar Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisii hore ee Difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha. Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaysa kiis xasuuq ah oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo ku saabsan dagaalka ey ku hayso dhulka Falastiin.
ISHA-AA.