KANADA OO CUNAQABATEYNTII KA KHAFIIFISAY SURIYA.

(SAWIRKA)-SURIYA.

(OTTAWA)-Kanada ayaa Arbacadaa maanta ah ku dhawaaqday Qorshayaal ey ku khafiifinayso Cunaqabataynta dhaqaale ee ka dhanka ah dalka Suuriya waxa eyna u magacawday Safiir, iyadoo Xukuumadda ku meel gaarka ah ee Dimishiq ey raadinayso taageero Caalami ah. Ergeyga gaarka ah ee Canada u qaabilsan Suuriya, Omar AL-Gabra’a, ayaa yiri: “Canada waxay ka ciyaari kartaa door macno leh si ey ugu suurtageliso dadka Suuriyaanka ah iney dhistaan ​​waddan loo dhan yahay oo ixtiraamaya dhammaan Muwaadiniintiisa. "Waxaan sidoo kale ka caawin karnaa inaan ka hortagno Suuriya iney ka dhacdo Fowdo iyo Xasillooni darri." Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Canada ayaa lagu sheegay in Cunaqabateynta la fududeyn doono “si loo ogolaado in lacagaha loo diro bangiyada qaar ee dalkaasi, sida bangiga dhexe ee Syria”. Safiirka Canada ee Lubnaan, Stefanie McCollum, ayaa hadda qaadan doona door barbar socda oo ah Safiir aan deganayn dalka deriska la ah ee Suuriya. Markii hore, Kanada - oo ey weheliyaan quwado kale oo badan oo adduunka ah waxay lahaayeen Cunaqabatayn adag si loo ciqaabo dawladda hadda xukunka laga tuuray ee Bashaar Assad. "Cunaqabateyntan ayaa loo isticmaalay sidii qalab ka dhan ah nidaamka Assad iyo fududaynta waxay gacan ka geysan doontaa in la awoodo bixinta Gargaarka deg-dega ah ee waara, taageeridda dadaallada dib-u-kobcinta Maxalliga ah, iyo gacan ka geysata soo kabashada deg dega ah ee Suuriya," ayaa lagu yiri bayaanka Kanada. Bashaar Al-Asad ayaa dabayaaqadii sannadkii hore ka Qaxay dalka Suuriya, waxaana xoogaga mucaaradka ey afgambiyeen maamulkiisa horaantii bishii December. Dawlad ku meel gaar ah oo uu Hogaamiyo Hogaamiyihii hore ee Mujaahid Axmed AL-Sharac ayaa hadda dhisan. Magaalooyin badan ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka Assad, laakiin waxay si taxadar leh u soo dhaweeyeen fallaagada guulaystay.
Kooxda Islaamiga ah ee Hayat Tahrir AL-Sham (HTS) ee Sharac waxay asal ahaan ka soo jeedaan Laanta Suuriya ee AL-Qaacida.
Dowlada cusub ayaa wacad ku martay iney ilaalin doonto Diimaha iyo Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Suriya, balse Ciidamada Amaanka ayaa lagu soo waramayaa iney dileen boqolaal shacab ah oo reer Calawiyiin ah maalmihii lasoo dhaafay.
War Saxaafadeedka lagu shaaciyay in Cunaqabateynta laga qaaday, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kanada Melanie Joy iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah Ahmed Hussen ayaa walaac ka muujiyay dilka. "Waxaan si buuxda u Cambaaraynaynaa falalkan waxashnimada ah, waxaanan ugu baaqaynaa mas'uuliyiinta ku-meel-gaarka ah iney qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo soo afjaro rabshadaha," ayey yiraahdeen.
"Dadka rayidka ah waa in la ilaaliyaa, waa in la dhowraa karaamada iyo xuquuqda bini'aadantinimada dhammaan Diimaha iyo Qowmiyadaha, iyo in lala Xisaabtamo Dambiilayaasha."

ISHA-AN.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO SOO JEEDIYEY HINDISE CUSUB.

Next
Next

1,383-QOF OO RAYID AH AYAA KU DHINTAY DAGAAL KA DHACAY…