YEMANI LAGU QABTAY XEEBTA MAREEG EE DEG.C/DHEER.
(SAWIRKA)-WAA AJNABI KA BARBAR DAGAALAMAAYEY ALSHABAAB.
(CEELDHEER)-Wararka degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud maamulka Galmudug ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Xoogaga Degaanka oo iskaashaday ayaa gacanta ku soo dhigay nin Ajnabi ah kana tirsan kooxda Alshabaab kaaso ka mid ahaay dagaalamayaashii Alshabaab ee lagu jebiyey dagaalkii degmada Ceeldheer,ninkaan la qabtay ayaa u dhashay dalka Yeman. Sida muuqato ninkaan Ajnabiga ah ee ka yimid Yeman ayaan la aqoon goorta iyo goobta uu kooxda Alshabaab kaga soo biiray balse hadda rabay inuu isaga baxo dalka Soomaaliya jidka kaliyah ee furan ayaa ahaay inuu Xeebaha Galgaduud ka dhoofo si dhuumaaleysi ah. Saraakiisha CXDS iyo kuwa degaanka ayaa ku waramay in ninkaan ey xogtiisa la soo wadaageen dadka degaanka ka dibne sidaas ey ku qaadeen hawlgal culus oo lagu guuleystay. Degmada Ceeldheer ayaa todbaad ka hor waxaa ka dhacay dagaal loogu awood sheegtay kooxda Alshabaab laguna gaarsiiyey jab eysan ka soo kabsan karin kuna qasbay kooxda iney firxad ku kala galaan degaano eysan aqoon u lahayn.
ISHA/SBMEDIA.