MUSLIM NECEYBKA OO KU SII KORDHAY DALKA JARMALKA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA JARMALKA.
(GERMANY)-Bulshadda Muslimiinta ah ee ku nool dalka Jarmalka ayaa wajahaysa Cunsuriyad sii kordheysa iyo Takoorid,sidaas waxaa ka digtay koox u dooda Xuquuqda Aadanaha maanta oo Isniin ah. “Waxaan aragnaa koror naxdin leh oo ku aadan weerarada ka dhanka ah Muslimiinta iyo Takoorka”. Guzin Ceylan oo ka tirsan Isbahaysiga ka hortaga Islamophobia iyo Neceybka Muslimiinta(CLAIM) ayaa ku sheegtay shir jaraa’iid ey ku qabaty Berlin. “Sannaddkii 2023-kii,waxaan diiwaangelinay ugu yaraan 1,926 dhacdo oo ka dhan ah Muslimiinta,tani waxa ey u dhigantaa in ka badan shan dhacdo maalin kasta”.ayey tiri iyadoo raacisay in weerarada cunsuriyadda ah ey kordheen ku dhawaad 114% marka la barbardhigo sannadkii hore. Dhacdooyinkaan la sheegay waxaa ka mid ah boqolaal aflagaado iyo hanjabaado ah oo lala beegsaday Muslimiinta,178 weerar oo jireed,afar isku day dil,shan weerar oo dab qabdasiin dhismo ah,93-xaaladood oo burburin hanti ma guurta ah.
ISHA/AA.