DAGAAL BEELEED DIB UGA QARXAY G/GADUUD.

(SAWIRKA)-MALEESHIYO BEELEED.

(DH/MAREEB)-Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa dagaal beeleed maalmo ka hor ka bilawday duleedka magaaladda Dhuusamareeb ee ah caasimadda Galmudug,dagaalka ayaa marka hore waxa uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Bulacle halkaaso Macallin Dugsi Quraan iyo Xaaskiisa lagu dilay balse hadda la soo sheegaayo inuu dagaal ka socdo degaanka lagu magacaabo Taragaduud oo dhacda Bariga G/Galgaduud,sida la sheegay dagaalka ayaa u dhexeeyo beelo ka soo kala jeedo Dh/mareeb iyo CeelGaras ee isla G/galgaduud,dhimashadda ilaa hadda waa hal qof waxa uuna dhaawac soo gaaray mid kale. Dagaaladaan ku soo noqnoqday degaanadda Galmudug ayaa intooda badan salka ku haayo aano qabiil,waxaane gadaal ka riixaayo dad la shaqeysto kooxda Alshabaab oo aan rabin in degaanadda Galmudug ey noqdaan kuwa nabad ah dadkuna helaan nolol caafimaad qabta. Madaxweynaha Galmudug Md.QoorQoor ayaa arrintaan ka hadlay waxa uuna sheegay iney jiraan dad gadaal ka riixaayo dagaaladda Galmudug ka dhaca isaguna uu shaacin doono kuwa ey yihiin.

ISHA/SBMEDIA.

Previous
Previous

YEMANI LAGU QABTAY XEEBTA MAREEG EE DEG.C/DHEER.

Next
Next

DAGAAL DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY OO KA…