DAGAAL DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY OO KA…
(SAWIRKA)-MALEESHIYO BEELEED.
(GAALKACYO)-Wararka ka imaanaayo Gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu si ba’an uga socdo dagaal beeleed aad u fool xun una dhexeeyo beeloo Soomaaliyeed. Dagaal beeleedkaan aadka u xooga ayaa maalintii labaad waxa uu ka socdaa Galbeedka Gobolka Mudug gaar ahaan waxa uu ka socdaa degaanka lagu magacaabo JIICBOOR. Dagaalkan oo soo bilawday maalintii shalay ayaa u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed kana soo kala jeedo degaanadda Bandiiradleey iyo Goldogob ee G/Mudug,ugu yaraan toban qofood ayaa ku dhintay dagaalka in ka badan 20-kalane waa ey ku dhaawacmeen sida ey sheegeen dadka degaanka,sidoo kale waxaa socdo dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaad labada beelood taaso ey wadaan waxgaadka iyo masuuliyiin kala duwan kana kala socoto labada dhinac ee dagaalamay. Dhinaca kale,Gudoomiyeyaasha G/Mudug ee labada Maamul Puntland iyo G/mudug ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsan doono joojinta colaada labada dhinac,waxa eyna sheegeen in si deg deg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diri doono halka ey coladu ka socoto. Inta badan dagaal beeleedyada ka dhaca Goboladda dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa salka ku haayo dhulka xoolaha la daaqsado iyo Aano Qabiil oo aan xal kama dambaysa ah laga gaarin,labada maamul ee arrintaan saameysay ayaa kala ah Puntland iyo G/Mudug,waxa arrintaan horay u galay Wasiiro iyo Xildhibaano heer Federaal ah kana kala socday dhinacyada is dagaalay balse xal lagama gaarin wixii la isku haayey.
ISHA/SBMEDIA.