YAHUUDKII LAGU AFDUUBAY DUBAI OO LA HELAY MEY…

(SAWIRKA)-DUKAANKA YAHUUDA EE DUBAI.

(TEL AVIV)-Intiinii akhrisatay Qoraalkeynii shalay aan uga hadalnay nin Isra’iil ah oo lagu Afduubay gudaha dalka Isutaga Imaaraatka Carabta maalintii Khamiista ee ina soo dhaaftay,ninkaan la waayey ayaa waxaa baadi goobkiisa qeyb ka ahaay sirdoonka Isra’iil ee MOSSAD iyo kuwa dalka Imaaraatka Carabta,hadaba maxaa maanta oo Axad ah ka soo kordhay ninkii la afduubay?. Xukuumadda Isra’iil ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in Meydka Rabbi Isra’iil iyo Maldova oo lagu waayey Imaaraatka la helay ka dib markii la dilay, waxaane lagu tilmaamay dhacdo Argagixiso oo neceyb ah. Bayaan ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu ayaa lagu sheegay in Isra’iil ey ku dhaqaaqi doonto si kasta oo ey cadaalad ugu raadineyso dambiilayaasha ka dambeeyey dilkiisa. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dalka Imaaraatka kuna saabsan dilka ninkaan Isra’iiliga ah. Zvi Kogan oo 28-jir ah ahne Raabi Qadiim ah ayaa la waayey maalintii Khamiista, waqti uu wax ka iibsanaayey dukaanka raashinka Kosher ah ku lahayd magaaladda Mustaqbal ee Dubai,halkaas oo ey Isra’iiliyiintu ugu qulqulayaan Ganacsi ahaan iyo dalxiisba tan iyo markii labada dal ey sameesteen xiriir diblomaasiyadeed heshiiskii Abraham-2020-kii.

ISHA-VOA.

HALKANKA SI AKHRI.

Previous
Previous

ATMIS OO ISKA BERI YEESHAY XIISADDA U DHEXEYSA DFS IYO JL.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA HADASHAY DOOMIHII LAGU…