ATMIS OO ISKA BERI YEESHAY XIISADDA U DHEXEYSA DFS IYO JL.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA ATMIS EE SOMALIA.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii uu isaga baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe waxaa sii kordheysay Xiisadda Siyaasadeed ee u dhexeysa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe waxa eyn gaartay heerkeedii ugu sareeyey abid. Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa diidan in hal sano loogu daro maamuladda la shaqeeya DFS ka dibne ey qabtaan Doorasho Qof iyo Cod ah taaso hadda diyaarinteed ey ka socoto Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Arrintaan ayaa waxaa soo dhexgashay dawladda Kenya una soo dirtay Wafdi balaaran uu hogaaminaayo Madaxa Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji,wafdiga ayaan wax war ah ka soo saarin xiisadda taagan balse hadalkoodii u gudbiyey Beesha Caalamka taaso Qoraal kulul u soo dirtay dhinacyada isku haayo Doorashada. In eedo la isu soo jeediyo hawadana la isu mariyo dhaleeceyn waxa ey ahayd mid joogta ah maalmihii la soo dhaafay balse waxaa eedeynta dhinac ka noqday Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Midawga Afrika ee ATMIS,waxaane jira tuhun 80% ah oo laga qabo ciidamadda Kenya iyo kuwa Itoobiya ee hadda ku kala sugan Goboladda Gedo iyo Jubadda Hoose iney ka shaqeynayaan rabitaanka Axmed Madoobe meeshana ka saarayaan DFS. Ciidamadda ATMIS ee ku sugan Soomaaliya ayaa waqtigooda ku eg yahay 31/12/2024-ka waxaane bedeli doono ciidamo isku dhaf ah oo la yiraahdo AUSSOM balse eysan ku jirin ciidamadda Itoobiya sida uu cadeeyey Wasiirka G/dhiga ee XFS Md.C/qaadir Maxamed Nuur. War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska ATMIS ayaa lagu sheegay in doorashadda Jubaland tahay arrin u baahan in lagu xalliyo Wada Hadal iyo is Afagarad,ATMIS ayaa sheegtay iney beri ka tahay Doorashadda Jubaland balse ey ka walacsan yihiin xaalka sida uu hadda yahay,waxa eyna ATMIS ku baaqday iney isu tanaasulaan dhinacyada,lana galo wada hadal si loo dhammeyo muranka taagan,waxa eyna ATMIS cadeysay in doorkoodu yahay mid ku saleysan Taageeridda Nabadda iyo Amniga iyadoo aan cid gaar ah la taageereyn.

ISHA-SB-MEDIA.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

DALKA IMAARAATKA CARABTA OO SOO BANDHIGAY…

Next
Next

YAHUUDKII LAGU AFDUUBAY DUBAI OO LA HELAY MEY…