SOOMAALIYA OO KA HADASHAY DOOMIHII LAGU…

(SAWIRKA)-DADKII LA SOO BADBAAIYEY,

(MUQDISHO)-Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada gaar ahaan Facebook-ga iyo Telegram-ka la soo dhigaayey sawiro iyo qoraalo looga hadlaayo dad Soomaaliyeed oo laba Doon kula gadoomeen Xeebaha dalka Madagaskar,lama yaqaan ilaa hadda halka ey ka soo bexeen iyo halka ey ku socdeen labada doon ee gadoomay, waxaase la sheegay iney ku socdeen Jazeeradda Mayotte ee uu maamul dalka Faransiiska loona yaqaano JAZEERADDII MEYDKA. Tirada dhabta ah ee la isku raacay iney saarnayeen Doomaha labada ah ayaa lagu kala sheegay Doonta Koowaa ilaa 38-Qof, Doonta labaad 32-Qof. Sida uu Warbaahinra Qaranka uu u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ururka Midawga Afrika ee magaaladda Addis Ababa Danjire.C/laahi Warfa’a dadka Doomaha saarnaay waa 70-qofood guud ahaan, waxaane dhimatay 28-qofood waxaane la soo badbaadiyey 42-qofood,Safiirka ayaa intaas raaciyey sheegayne in Doonta koowaad ey ka soo badbaaday 25-Qofood(15-Rag ah iyo 10-Dumar ah) halka Doonta Labaad ey ka soo badbaaday 23-qofood(13-Rag ah iyo 10-Duamar ah),dadka la soo badbaadiyey ayaa waxaa soo badbaadiyey Kalluumeysato reer Madagaskar,Goobta laga Meydadka laga soo helay ayaa lagu sheegay iney tahay Noosi Aranja. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah waxa ey uga hadashay dhacdadaan xanuunka badan waxaane shir Jaraa’id kala qabtay Wasiiradda Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda ee XFS,waxa eyna labada Wasiir sheegeen in weli uu socdo baaritaan la xiriira halka labada doon ey ka soo bexeen iyo dadka la socday iney wada yihiin Soomaali iyo in kale. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFS Md.Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay iney jiraan Soomaali kale oo ku sugan dalka Marooko kuwaaso raba iney halkaasi ka tahriibaan waxaane la amray Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Marooko si uu ugu wargeliyo Xukuumadda Marooko in laga hortago Tahriibkaas. Dadka Soomaaliyeed ayaa Tahriibka bilaabay tan iyo markii ey burburtay Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-dii,waxa eyna inta badan u Tahriibi jireen Yeman iyo Liibiya balse hadda waxaa muuqata in la furay jid cusub oo lagu Tahriibin karo dhallinyarada Soomaaliyeed si looga sameeyo dhaqaale yar loona halaago naftooda. KALA SOCDA MAGACYADA DADKA LA SOO BADBAADIYEY HALKAAN.

SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

YAHUUDKII LAGU AFDUUBAY DUBAI OO LA HELAY MEY…

Next
Next

DIYAARADAHA ISRA’IIL OO BEYRUUT KU DILAY…