DIYAARADAHA ISRA’IIL OO BEYRUUT KU DILAY…
(SAWIRKA)-BURBURKA DHISMAHA LA DUQEEYEY.
(BEIRUT)-Dawladda Lubnaan ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ey Isra’iil gaysatay maanta oo Sabti ah ayey ku dishay in ka badan ilaa 55-Qofood oo qaar badan oo ka mid ah ey ku dhinteen bartamaha Beyruut iyadoo Wasiirka G/dhiga ee Isra’iil uu wacad ku maray in tallaabo adag laga qaadi doono Ururka Xizbullahi,isagoo la hadlay dhigiisa Maraykanka. Jiida labaad ee Isra’iil, dagaalka in ka badan 13-bilood ah oo ey kooxda Xamaas kula jirto Marinka Gaza, samatabixyeyaashu waxay sheegeen in duqeymo ka hor subaxnimadii hore ee Isra’iil ey ku dileen 19-qof eyna ku dhaawacmeen in ka badan 40-qofoof oo kale. Ururka Xamaas ayaa sheegay in la haystayaasha Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas oo ah kuwa dhaliyey dagaalka weli socdo Marinka Gaza. Mileteriga Isra’iil ayaa sheegay ineysan “Xaqiijin karin” sheegashadaas.
ISHA-RTL.