DUQEYN LAGU DILAY HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH.
(SAWIRKA)-DRONES-KA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeeladda Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in habeenkii xalay ahaa ey halkaasi ka dhacday Duqeyn ey fuliyeen Diyaaradaha dagaalka ee Dawladaha Saaxibka la ah Dawladda Federaalka Soomaaliya,duqeynta ayaa waxa ey ka dhacday degaan lagu magacaabo Haaway kana tirsan degmada Sablaale. Duqeynta xalay dhacday ayaa lala bartilmaameedsaday goob ey ku sugnaayeen Horjoogayaal iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda AL-shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in weerarkii xalay lagu dilay ugu yaraan ilaa 12-qof eyna ku jiraan Horjoogayaal Sar-Sare, waxa uuna ahaay hawlgal si fiican loo soo qorsheeyey loona fuliyey sidii loogu talagalay. Saraakiisha Sar-Sare ee kooxda ALshabaab looga dilay weerarkii xalay ayaa waxaa ka mid ahaay nin magaciisa lagu sheegay Abu Yaasir magaciisa afgarashadana yahay Abu Saciid,waane Hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Alsbabaab kana soo jeedo degaanadda Waqooy-Galbeed Soomaaliya,islamarkaasne waxa uu kooxda u ahaa Madaxii Hawlgaladda Dibadda, C/qaadir Abu Zubeyr ayaa isna ka mid saraakiisha la dilay xalay waxa uuna kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Kormeerka iyo Barnaamijyada Tababarada, Abu Ayuub oo isna la sheegay inuu weerar ku dhintay ayaa kooxda u qaabilsanaay Madaxa Degaanka Haawaay,xaaladda degaanka ayaa ah mid aad u kacsan ka dib marki khasaare xoogan kooxda Alshabaab lagu gaarsiiyey. Warar ayaa sheegaayo in duqeyntii xalay ey fuliyeen diyaaradaha duuliyaha aan lahayn ee dalka Maraykanka,waxaane dadka la dilay ee dhan 12-ka qofood ka mid ah lix xubnood oo kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Gobolka Banaadir.
ISHA-SB-MEDIA.