YAA HADDA GACANTA KU HAAYA DEGMADA CEEL BARAF?

(SAWIRKA)-CIIDANKA DFS EE KU SUGAN GUDAHA DEG.CEEL BARAF.

(CEEL BARAF)-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa dagaal toos ah iyo duqeymo ku qaaday Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelada Dhexe Maamulka Hirshabeele. Dagaalka iyo duqeynta ayaa waxaa ey ka socotaa duleedka degmada Ceelbaraf, waxaana lala beegsanaya Maleeshiyaadka AL-shabaab oo maalmo ka hor la wareegay degmadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda laga maqlayo deegaanada u dhow degmada Ceelbaraf, mana cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka. Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle ayaa saacadihii u dambeeyay xoogga saarayay abaabulka Ciidamadaan Federaalka iyo Kuwa deegaanka ee Macawiisleyda si loo xoojiyo Howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Hir-Shabeelle iyo sidii AL-shabaab looga saari lahaa degmada Ceelbaraf. Xaaladda ayaa haatan kascsan, waxaana lasoo warinayaa in DFS iyo Hirshabelle ey ciidamadii ugu badnaa ey geeyeen duleedka degmada Ceelbaraf, iyadoona weli dagaalka uu socdo. War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri:” Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta weerarka culus ku qaaday xubno ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo isku aruursanayey duleedka magaalada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Weerarka ayaa yimid ka dib markii saraakiisha ciidanka ey xogtaan ka helaan dadka deegaanka oo wadashaqayn dhow la leh Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka. Weerarka ey saakay Ciidamadu ku qaadeen waxaa lasoo sheegayaa in khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta, faahfaahin rasmi ah ayaan ka soo gudbi doonaa howlgalka ka socda dhulka howdka ah ee degmada Ceelbaraf. Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah Gobollada lagu jabiyay AL-Shabaab, isla-markaana inta badan laga saaray deegaanada Gobolkaasi oo ey ku lahaayeen saldhigyo waa weyn, inkastoo maalmihii ugu dambeeyay ey weeraro ku qaadayeen saldhiyada ey Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka ey ku leeyihiin deeganada Gobolkaasi. In ALshabaab soo haweysto mar kale dhul laga xureeyey laba sano ka hor ayaa ah mid u baahan in wax la iska weydiiyo,waayo waxaan maalmihii la soo dhaafay arkeynay Xildhibaanadda kala Daahir Amiin Jeesaw iyo Shariif Sh.Axmed oo labaduba ka soo jeeda DG H/shabeele iney mar walba ka hadlayeen in dalka Soomaaliya aan laga qaban karin doorasho Qof iyo Cod ah,waxa eyna ku sababeyeen in kooxda ALshabaab ey haysato duleedka caasimadda Muqdisho marka laga soo tagao maamuladda H/shabeelle,G/Mudug iyo KGS. Waa dhiirigelin ALshabaab hadaladaasi ka soo yeeray Xildhibanaada Qaran ee degaan ahaan ka soo jeeda H/shabeelle,waxa eyna ahayd in lagula xisaabtamo hadaladooda dhiirigelinta u ah kooxda ALshabaab. Midne waa iska xaqiiqo jirta in Shariif Sh.Axmed yahay shaqsi ka dambeeya in Degmada Ceel-Baraf noqoto forin dagaal oo joogta ah shacabka uu Golaha ku metelana loo diido Nabadii ey heysteen kuna keensadeen Dhiigo ey u hureen cadwaga iska dhicintiisa.

ISHA-WAKAALDO. 


Previous
Previous

KULANKA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA EE MUQDISHO.

Next
Next

MASAR IYO ITOOBIYA OO KA WADA MID NOQON DOONO AUSSOM.