MASAR IYO ITOOBIYA OO KA WADA MID NOQON DOONO AUSSOM.
(SAWIRKA)-LA TALIYAHA AMNIGA QARANKA XUSEEN MACALLIN.
(MUQDISHO)-Dowladda Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay Qorshaha Howlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSSOM iyo dalalka ka qeyb galaya, iyadoo la shaaciyay dalalka ka qeyb galaya iyo tirada dal kasta ciidamada uu ku yeelan doono. Waxaa ugu danbeyn la xaliyay dood soo socotay muddo sanad ku dhow, ka dib markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya Janaayo 2024, xilligaas oo Abiy Ahmed uu is Afgaradkii muranka dhaliyay ee Badda Soomaaliya la galay Muuse Biixi. Ciidamo ka socda dowladaha Masar iyo Itoobiya ayaa la shaaciyay iney ka mid noqon doonaan Howlgalka AUSSOM, waxaana markii ugu horeysay Soomaaliya imaanaya ciidamada Masar. Qorshaha cusub ee qoondeynta ciidamada Midowga Afrika wuxuu meesha ka saaray dalka Burundi oo si rasmi looga reebay howlgalka, isla markaana ciidamadeeda kala bixi doonta Soomaaliya bilaha soo socda. Dowladaha Burundi iyo Soomaaliya ayaa isku khilaafay Qoondada tirada dalkaasi laga siinayo Howlgalka AUSSOM, khilaafaas oo lagu fashimay in la xaliyo. Booskii ey ka baxeen Ciidamada Burundi waxaa buuxinaya Ciidamada Masar iyo Itoobiya, iyadoo tirada guud ee ciidamada Howlgalka AUSSOM Midowga Afrika ey gaarayaan in ka badan 11,000 Askari, waxayna ka kala imaanayaan shan dal oo kala ah:.
1- UGANDA: waxaa loo Qoondeeyay 4500 askari, waana dalka ciidamada ugu badan ku leh Howlgalka iyo dalkii ugu horeeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya.
2- ITOOBIYA: Waxaa howlgalka uga qeyb gelaya 2500 askari, waana dalka labaad ee ugu ciidamada badan AUSSOM.
3- JABUUTI: Waxay howlgalka Midowga Afrika ku yeelan doontaa 1520 askari.
4- KENYA: ayaa iyaduna howlgalka waxaa ugu jira 1410 askari
5- Halka MASAR oo ku cusub ay Soomaaliya u soo direyso ciidamo gaaraya 1091 askari oo si rasmi ah uga mid noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM. La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa sheegay iney labada dowlad ee Masar iyo Itoobiya ey raali ka yihiin iney ka wada qeyb galaan Howglalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, go’aankaana ey leedahay dowladda Soomaaliya. Kala guurka ciidamada ka qeyb galaya Howlgalka AUSSOM ayaa socon doona ilaa bisha June ee sanadkan 2025, balse waxaa weli harsan caqabad dhaqaale oo howlglalkan heysata. Golaha Amniga Q/Midoobay wuxuu Howgalka AUSSOM Ansixiyay dhammaadkii Disembar 2024, iyadoo uu Maraykanku ka Aamusay codeyntii Golaha Amniga, ka dib khilaaf ka dhashay Maalgelinta iyo dhaqaalaha ku baxaya, waxaana laga cabsi qabaa inuu maamulka Mareykanka ee Trump xaalada uga sii daray.
ISHA-RISAALA RADIO.