46-QOF OO KU DHIMATAY DIYAARAD KU BURBURTAY SUDAN.

(SAWIRKA)-MEYDADKA LAGA SO QAADAY BURBURKA DIYAADADDA.

(KHARTOUM)-Afartan iyo lix qof ayaa ku dhintay ka dib markii Diyaarad Xamuul oo ey leeyihiin Militariga Sudan ey ku burburtay Xaafad ku taalla duleedka caasimadda Khartoum, sida uu sheegay Maamulka Gobolka Arbacada maanta ah. Diyaaradda nooca Antonov ayaa Talaadadii fiidkii ku dhacday agagaarka saldhigga Milatari ee Wadi Seidna, oo ah mid ka mid ah Xarumaha ugu waa-weyn ee Militariga Sudan, kuna yaalla Omdurman, Waqooyi-Galbeed Khartoum. Militariga Sudan, oo dagaal kula jira xoogagga sida Militariga u tababar ee Gurmadka Deg-degga ah, Rapid Support Forces (RSF) tan iyo bishii April 2023, ayaa sheegay in diyaaradda ey burburtay xilli ey duulimaad ku jirtay, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca askar iyo dad rayid ah. "Tirada shuhadada waxay gaartay 46, halka 10 kalena ey dhaawacmeen," ayuu sheegay Xafiiska Warbaahinta ee Maamulka Khartoum, ka dib markii la dhammeystiray tirakoobka rasmiga ah. Wasaaradda Caafimaadka ee la safan Militariga Sudan ayaa horay u sheegtay in ugu yaraan 19 qof ey ku dhinteen shilka. Goobjoogayaal ayaa sheegay iney maqleen Qarax xooggan, iyagoo intaa ku daray in shilka uu burburiyey guryo badan oo ku yaalla xaafadda. Waxaa kale oo la xaqiijiyay in shilku sababay koronto la’aan saameysay deegaannada ku dhow. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka degdegga ah ey dhaawacyada, oo ey ku jiraan carruur, u qaadeen isbitaal ku dhow goobta shilka. Sarkaal ciidan oo aan la shaacin magaciisa, maadaama uusan lahayn oggolaansho uu Warbaahinta ula hadlo, ayaa u sheegay AFP in shilka uu ka dhashay cilad farsamo.

Weerarada cusub ee ciidamada

Shilka diyaaradda ayaa dhacay maalin kadib markii RSF ey sheegtay iney soo ridday diyaarad nooca Ilyushin oo laga leeyahay Ruushka, taasoo dulmareysay magaalada Nyala, Xarunta Gobolka Koonfurta ee Darfur. RSF ayaa sheegtay iney burburisay diyaaradda iyadoo ey saarnaayeen shaqaalihii diyaaraddu. Dagaalka sii xoogeysanaya ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda ey guulo ka sheegteen dagaalka ey ka wadaan bartamaha Sudan iyo caasimadda Khartoum, iyagoo weerarro ka fulinaya jihooyin kala duwan oo ey kula dagaallamayaan RSF. Fiidkii Sabtida, RSF ayaa magaalada Nairobi, Kenya, ku saxiixday heshiis ey la galeen kooxo Siyaasadeed iyo Ururo hubeysan oo xulufo la ah, taasoo gogol-xaar u ah dhismaha maamul kale oo ka hawlgalaya deegaannada ey maamulaan fallaagada. Tan iyo April 2023, taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah AL-Burhan, iyo ku xigeenkiisii hore, hoggaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Daglo, oo markii hore saaxiibo ahaa, ayaa ku muransanaa cidda hoggaanka u qabanaysa dalka. Dagaalka, oo ey ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayaa qarxay ka dib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay Burhan iyo Daglo oo isku khilaafay qaab-dhismeedka dowladnimada mustaqbalka. Qaramada Midoobay ayaa dagaalkan ku tilmaantay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadannimada ee ugu xun ee dunida ka dhaca xilligaan casriga ah. Dagaalku wuxuu burburiyey Khartoum oo ah caasimadda dalka Sudan iyo magaalooyin kale oo waa weyn, waxaana ku barakacay in ka badan 12 Milyan oo qof. Dalka Sudan ayaa galay xaalad macaluul ah, halka adeegyadii dowladdu ey burbureen, taasoo uga dartay xaaladda bini'aadantinimo.

ISHA-VOA/SOMALI.

Previous
Previous

MASAR IYO ITOOBIYA OO KA WADA MID NOQON DOONO AUSSOM.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO SACUUDIGA OO KA WADA HADLAY MAXAABIISTA…