SOOMAALIYA IYO SACUUDIGA OO KA WADA HADLAY MAXAABIISTA…

(SAWIRKA)-WASIIE XASAN MACALLIN IYO SAFIIRKA SACUUDIGA.

(MUQDISHO)-Kulan diblomaasiyadeed aad muhiim ah oo maanta ey wada yeesheen Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabilay Safiirka dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed AL-Muwalad. Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqaynta dhanka Garsoorka ah ee labada dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray kiisaskii ugu dambeeyay ee Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ey Maxkamadaha Sacuudiga ku Xukuntay dil toogasho ah. Wasiir Macallin ayaa Walaac Xooggan ka muujiyay tirada sii kordheysa ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wajahaya Xukunnada dilka ah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ey leedahay in arrimahan sharci lagu wajaho wadahadal furan iyo wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradaha Cadaaladda ee labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Wasiir Macallin oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay sida ey dowladda Soomaaliya uga go’an tahay wada Xaajoodka iyo Saxiixida Heshiisyo laba Geesood ah oo lagu horumarinayo hannaanka sharci ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada is dhaafsiga Maxaabiista iyo Tuhmanayaasha. Heshiisyadan ayaa looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo hannaan sharci oo caddaalad ah oo hufan oo ey helaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wajahaya caqabadaha sharci ee Sacuudiga. Danjire AL-Muwalad oo arrintaas ka jawaabaya ayaa ku dheeraaday sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay sida wax u dhaceen. Waxa uu u xaqiijiyay Wasiirka Soomaaliya in dowladda Sacuudiga ey weli ka go’an tahay la shaqeynta Hay’adaha Cadaaladda ee Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka labada dal, waxna looga qabto tabashooyinka taagan. Gaba gabadii kulanka ayaa Wasiir Macallin uga mahadceliyay Safiirka Sacuudiga wadashaqeynta uu la leeyahay, wuxuuna caddeeyay muhiimadda ey leedahay in la joogteeyo Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo kan Garsoorka ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Dooda ayaa muujineysa horumar loo qaaday dhanka sharciga iyo xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

ISHA-RADIO DALSAN.

Previous
Previous

46-QOF OO KU DHIMATAY DIYAARAD KU BURBURTAY SUDAN.

Next
Next

HAKAN FIDAN OO KA HADLAY XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.