XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB MARAAYEY…

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKAB MARAAYEY MARINKA BAAB EL-MANDEB.

(SANCA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman iney rideen Gentaal ey la beegsadeen Markab siday Xamuul kaaso maraayey Marinka Baab El-mandab maanta oo Khamiis ah,sidaas waxaa sheegay sarkaa ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka ee Pentagon. Weerarkaan ayaa ah midkii ugu khatarsanaay ey qaadaan kooxda Xutiyiinta tan iyo markii ey bilaabeen iney weeraraan Maraakiibta marta khadka Marinka Baab El-Mandab kuna socota dalka Isra’iil. Gentaal ey soo rideen Xuutiyiinta dalka Yeman ayaan gaysan wax dhibaato waxa uuna si toos ah ugu dhacay biyaha Badda Cas meel aad ugu dhaw Markabka siday Xamuulka ee Maersk Gibraltar, Markabkaan ayaa sida la sheegay watay calanka dalka Hong Kong,waxa uuna ka soo shiraacday dekadda Salaalah ee dalka Cumaan waxa uuna ku sii jeeday Dekadda magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyadda Sacuudiga.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MW-XASAN OO KHAMIISTA LA KULMI DOONO…

Next
Next

KOOXDA ALSHABAAB OO LAGU DUQEEYEY G/MUDUG.