KOOXDA ALSHABAAB OO LAGU DUQEEYEY G/MUDUG.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA AAN DUULIYAHA WEDIN EE DRONES-KA.
(MUDUG)-Wararka laga helaayo Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo saaxibadda caalamiga ah ayaa fuliyey hawlgal khasaaro xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab,hawlgalka ayaa waxa uu ka dhacay sida la sheegay degaanka Baraag Cali Guduud kana tirsan degmada Xaradheer ee Gobolka Mudug maamulaka Galmudug,fogaan ahaan degaankan ayaa degmada Xaradheer waxa uu u jiraa 31-kiilomitir waxa uuna degmada X/dheere kaga beegan yahay dhinaca Koonfureed. Sida muuqata waxaa maamuladda Galmudug iyo H/shabeele ka bilawday dhammaystirka wejigii 1-aad ee dagaalka lagu ciritiraayo kooxda Alshabaab,dagaalkan ayaa waxaa iclaamiyey MW-Xasan Sheekh markii uu ku guulaystay in mar labaad loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 15/5/22-ka.
ISHA/HIIRAAN.