ALSHABAAB OO DHINACYO BADAN LAGA WEERARAY.
(SAWIRKA)-GODADKII MAANTA LOO GALAY KOOXDA ALSHABAAB EE KOONFURTA GOBOLKA MUDUG.
(XARADHEERE)-Wararka laga helaayo Degmada Xaradheere ee Koonfurta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in maanta Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo Xoogaga degaanka ee loo yaqaano”Macaawiisleyda” ey maanta weerar culus oo cagmaris ah ey ku qaadeen saldhig ey iska lahayd kooxda Alshabaab,saldhigaan ayaa la soo sheegayaa in kooxdu ey ku sugneed muddo aad u fog kana badan toban sano waxa uuna saldhigu ku yaal Buurta Badbad,ciidamadda huwanta ah ayaana u dhacay saldhiga Alshabaab. G/le.Cabdi Maxamed Suulnuuge oo ah abaanduulaha Guutada 18-aad ee ciidamadda Gor-gor ayaa ka warbixiyey hawlgalka sida uu u dhacay iyo sida kooxda Alshabaab ey uga kala carareen meydadkoodii iyo dhaawacoodii. Dhinaca kale,waxa ey faahfaahin dheeraad ah ey ka soo bexeysaa Qarax xoogan oo ka dhacay gudaha degmada Ruun-Nirgood ee G/shabeelada dhexe maamulka H/shabeele,qaraxa ayaa la sheegayaa ineysan cidina wax ku noqon waane qarax ey kooxda Alshabaab ku xirtay dhismaha degmada R/nirgood ka hor inta eysan isaga cararin,waxaane degmada R/nirgood hadda la wareegay gacan ku haynteeda ciidamadda DFS oo kaashanaayo xoogaga degaanka ee loo yaqaano Macaawisleyda. Gudoomiyaha degmada R/Nirgood Macallin Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay degmada R/Nirgood uusan gaysan wax khasaara ah balse kooxda Alshabaab ayaa dad shacab ah waxa ey ka qafaasheen degmada R/Nirgood ayagoo la aaday dhinaca dhulka hawdka ah ey u carareen. Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Garabeey waxaa la soo saaray amaro ku wajahan shacabka degan degmada Baydhabo ee hadda ah caasimadda Ku meel gaarka ah ee maamulka KGS,amarada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ah: (1)-In wixii ka dambeeyo 6-da maqribnimo inusan baabuur soo geli karin kana bixi karin magaaladda Baydhabo. (2)-Inaan gudaha magaaladda Baydhabo lagu dhex xiran karin Face Mask waxaane loo ogol yahay kaliyah goobaha caafimaadka. (3)-In dharka ciidamada kala gedisan iyo hub aan lagu dhex wadan karin magaaladda Baydhabo. (4)-In Mootada Bajaajka shaqadeeda ey ku eg tahay 7-da fiidnimo wixii ka dambeeyana eysan magaaladda ku dhex socon karin. (5)-Waa in guri kasta uu leeyahay Nal ku dhegsan iridiisa lana shidaa habeen oo dhan ilaa waaga ka baryo,arrintaan ayaa khuseyso dadka haysta Korontada kaliyah.
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.