WIILKA MW-XASAN OO KU LAABAN DOONO TURKIGA.

(SAWIRKA)-WASIIRKA CADAALADDA DALKA TURKIGA YELMAZ YUNC.

(ANKARA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa sheegaayo in Wasiirka Cadaaladda ee dalka Turkiga Yelmaz Tunc ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmaha soo socdo ku laaban doono dalka Turkiga si uu u wajaho maxkamad ku saabsan shilkii ka dhacay wadada weyn(HWY) ee magaaladda Istanbul ee dlka Turkiga. Yunus Emre Gocer oo 38-jir kuna shaqeysto mooto dadka qaada ayaa waxaa ku dhacay baabuur uu watay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu maraayey waddo weyn(HWY) oo ku taalo magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga,ninka watay Mootada uuna ku dhacay baabuur uu watay wiil uu dhalay MW-Xasan ayaa isbitaalka ku dhintay lix maalmood ka dib (6/12/23)-ka maalintii uu dhacay shilka kuna beegneed 30/11/23-ka. Maamulka Turkiga ayaa amara ku bixiyey in wiilka uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh la soo xiro lagana mamnuuco inuu u safro dalka dibadiisa balse wararka ayaa sheegayo in wiilka MW-Xasan uu dalka Turkiga ka tegay ka hor markii la soo saarayey warqadda. Turkiga ayaa sidoo kale bilaabay baaritaan ku aadan saraakiishii horay u sameysay baaritaanka shilka,waxaane la sheegay in wiilka MW-Xasan ey u ogolaadeen in la sii daayo.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO DHINACYO BADAN LAGA WEERARAY.

Next
Next

SOOMAALIYA OO LAGA CAFIYEY DEYNTII LAGU AHAAY.