XOGTA GUDIGA DOORASHOOYINKA EE LA DHISAY.
(SAWIRKA)-BJFS.
(MUQDISHO)-Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay oo Isniin ahayd kulan uu si wadajir ah u yeeshay waxa uu ku Ansixiyey Habraaca Fadhiyada Wadajirka ah,Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Dalka, Hindise Sharciyeedka Ururadda Siyaasadeed iyo Xisbiyadda iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. Hadaba Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa ka kooban ilaa shan Cutub iyo 30-Qodob kuwaaso lagu soo koobay 18-Bog kaliyah. Si dalka loo gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod ah waa in dalka uu helaa Gudi daadihiyo hawsha, si arrinkaas weyn lagu gaaro ayaa ah mida keentay in Gudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhisaan Gudigaan si uu uga hawlgalo dalka hadba inta markaasi ey gaari karaan ee xorta ka ah gacanta kooxda Alshabaab.
ISHA-MM.