SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR KA DHACAY…
(SWAIRKA)-WASIIR BEENE-BEENE.
(GENEVE)-Wararka ka imaanayo magaaladda Geneve ee dalka Switzerland ayaa sheegaayo in Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Md.C/raxmaan Sheekh Faarax (Beene-Beene) ayaa shir Gudoomiyey Madasha Daneeyayaasha Caalamiga ah oo lagu soo bandhigay Qorshaha Qaranka ee Wadooyinka Xal Waara oo lagu qabtay Geneve. Madasha oo ey soo agaasintay Waaxda Yareynta Saboolnimad iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorhseynta Qaranka iyo Xafiiska Gaarka ah ee Xal u helidda Barakaca ee Qaramadda Midoobe ayaa waxaa ka qeybgalay Safiiro iyo Wakiilo ka socday in ka badan labaatan dal,Hayaddo Caalami ah iyo Bangiyadda Horumarinta. Wasiirka oo khudbad ka jeediyey furitaanka wuxuu ku tilmaamay muhimadda ey leedahay helidda Xal-Waara loogu helo hal Milyan oo Barakacayaal ah taaso u baahan iskaashi iyo maalgelin.
ISHA-SNTV.