RW-XAMSE OO QAABILAY WAFDI KA YIMID KENYA.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE OO QAABILAY.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre uu galabta ku qaabilay hoygiisa wafdi ka socdo dawladda Kenya. Xubnaha wafdiga ayaa Reysal Wasaaraha soo gaarsiiyey dhambaal iyo salaan ey ka wadeen Madaxweynaha dalka Kenya Md.William Ruto,waxayna ka wada hadleen xoojinya xiriirka labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya iyo Iskaashiga dhinacyadda Amniga iyo Ganacsiga. Reysal Wasaaraha XFS Md.Xamse Cabdi Barre ayaa uga Mahadceliyey wafdiga ka socday dalka Kenya doorka dawladda Kenya ee ku aadan taageeradda Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika. Xubnaha wafdiga ka socday dawladda Kenya ayaa kala ahaay”Danjire Maxbuub Macallin, Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo EX-XIL.C/raxmaan Cali Colow”. Warar kale ayaa sheegaayo in wafdigaan ey horay isu soo arkeen Madaxweynaha Jubaland Md.Axmed Madoobe kalana soo hadleen xaaladda kacsan ee u dhexeysa maamulkiisa iyo DFS taaso ku saabsan Dooraashadda Qof iyo Codka ah ey gadaal ka taagan tahay DFS, waxaa laga yaabaa in wafdigaan uu xal laba afle ah uu wado kaaso salkiisu yahay bad qabka kursiga Reysal Wasaaraha iyo wada shaqeynta maamulka Jubaland iyo DFS.

ISHA-OPM.

Previous
Previous

GUDIGA KU MEEL GAARKA AH EE DOORASHOOYINKA.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR KA DHACAY…