ALSHABAAB LAGU LAAYEY DEGMADA GALCAD.

(SAWIRKA)-NISA,

(GALCAD)-Weli waxaa si xawli ah uga socdo Bariga Gobolka Galgaduud ee Bartmaha Soomaaliya dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee gacan saarka la leh kooxda Argagixisadda Caalamiga ah ee AL-Qaacidda. Kooxdaan ayaa ka talineysay dhamman degaanadda dhaca Bariga G/Galgaduud gaar ahaan degaanadda ku xeeran degmada Galcad,waxaane si joogta ah degaanadaas uga dhaca dagaalo ey isku fara saaraan Alshabaab iyo Ciidamadda DFS iyo xoogaga degaanka,dagaalkii ugu dameeyey ayaa waxa uu ka dhacay degaanka loo yaqaan DHARAARWEYN ee hoostaga Degmada Galcad ee G/Galgaduud maamulka Galmudug. Sida ey sheegtay XFS Ciidamadda XDS oo kaashanaayo kuwa degaanka ayaa qaaday weerar qorsheysan kaaso lagu dilay ilaa 23-xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab,waxaane halkaasi lagu gubay gawaaridda dagaalka ee Cabdi-Bilaha ey leheed kooxda Alshabaab. Dhinaca kale,war ey soo saartay Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA laguna faafiyey Warbaahinra Qaranka ayaa lagu sheegay in Alshabaab laga gubay seddex gaari ey hub ku wateen lagana dilay ilaa 23-dagaalame waxayne dhaawcii iyo firxadkii kooxda Alshabaab u baxsadeen degaanka Caws-Weyne halkaaso hadda ah goob ey kooxda Alshabaab ka arimiso.

ISHA-SNTV.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

XOGTA GUDIGA DOORASHOOYINKA EE LA DHISAY.

Next
Next

SHIRKA ISBEDELKA CIMILADA ADDUUNKA EE COP29 OO KA…