SHIRKA ISBEDELKA CIMILADA ADDUUNKA EE COP29 OO KA…

(SAWIRKA)-WASIRAD AL-MAKHZUMI.

(MUQDISHO)-Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwp Khadiija Maxamed AL-Makhzuumi ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlaayey dib u qaabeynta nidaamka Maaliyadda Adduunka iyo doorka Sanduuqa Maaligelinta Cimiladda(GreenCimate Fund) ee ku saasban taageradda Maaliyadeed ee dalalka u nugul Isbedlka Cimiladda. Kulanka oo barbar socdo shirweynaha COP29 ee ka socdo BAKU dalka Azerbajaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo abuuri lahaa nidaam dhaqaale oo casri ah kaaso bixiya maalgelin hufan oo wax ka qabata caqabadaha Isbedlka Cimiladda. Wasiiradda ayaa madasha ka sheegtay in dalka Soomaaliya uu uga mahadcelinaayo taageeradda GCF oo Ansixiyeye Mashruuc taariikhi ah oo gaaraayo ilaa Boqol Milyan oo Doolarka Maraykanka ah kaaso dalka Soomaaliya ka caawini doono inuu dhiso adkeysi bulsho iyo inuu awood siiyo dadka ey samaayeen Isbedladda Cimiladda si ey uga jawaabaan dhibaatooyinkaas. Maalgelinta waxay muhiim u tahay Soomaaliya iyadoo fursad u siineysa iney horay ugu sii socoto oo ey abuurto xalal waara oo wax ka qabta Isbedelka Cimiladda ee dalkeeyna. Intii uu socday kulanka ayuu Sanduuqa Maalgelinta Cimiladda ee (GCF) soo bandhigay qorshaha dib u habeynta si loo yareeyo caqabadaha habka maalgelinta iyadoo loogu talagalay in la gaarsiiyo Konton Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah sannadka 2030-ka. Wasiiradda aya bogaadisay qorshahan,waxa eyna ku baaqday in si wadajir ah loo abuuro nidaam dhaqaale oo waxtar leh oo taageero buuxda siin kara dalalka sida Soomaaliya oo kale ah si ey awood ugu yeeshaan la tacaalidda saameynta Isbedelka Cimiladda.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

ALSHABAAB LAGU LAAYEY DEGMADA GALCAD.

Next
Next

SOOMAALIYA OO QEYGELEYSA KULANKA 18-AAD.