XOGHAYAHA GUUD EE URURKA BULSHADA BARIGA AFRIKA OO LAGU..
(SAWIRKA)-Dr.Mathuki.
(NAIROBI-KENYA)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Jimcihii la soo dhaafay waxa uu dib ugu yeeray Xoghayaha Guud ee Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) Dr.Peter Mathuki,Madaxweyne Ruto ayaa u magacaabay Dr.Mathuki inuu ka mid noqdo diblomaasiyiinta cusub ee dalka Kenya loona diri doono dibadda. Dr.Mathuki ayaa laga yaabaa waqtigaan la joogo inuu dneynaayo eyna u muqataa inuu u baahan yahay kaalmo uu kaga gambado xabadaha sida ololaha lidka ku ah ee dembi culus loogu soo oogaayo Dr.Mathuki kaaso ka bilaaban doono Golaha Sharciga ee Bulshada Bariga Afrika(EALA) kuwaaso waqtigaan la joogo ku sugana Nairobi caasimadda dalka Kenya. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay Jimcihii in Dr.Mathuki lafilaayo inuu iska casilo xilkiisa waqti kasta isagoo soo afjaraayo shaqadiisa Urur Goboleedka EAC,waxaane la rajaynayaa inuu isku talaab(X) ku dhejiyo EALA. Fiidnimadii Jimcaha Dr.Mathuki waxa uu ka qeybgelaayey shir rasmi ah oo ka dhacaayey Addis Ababa isagoo metelaayey EAC.
ISHA/AFRICA.