SOOMAALIYA OO MADAXWEYNE KA NOQOTAY FAJ.

(SAWIRKA0-HOGAANKA URURKA SAXAFIYIINTA AFRIKA.

(DAKAR-SENIGAL)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Senigal ee Dakar ayaa sheegayo in Saxafiyiinta Bariga Afrika ey ku Guuleysteen boosaska ey u ololeeya daryeelka Qaaradda ka dib markii doorasho la qabtay todobaadkan ey ku biireen Gudiga u ololeya daryeelka Saxaafadda. Ururka Saxafiyiinta Afrila FAJ oo kulmiya Ururada Saxafiyiinta Qaaradda Afrika ayaa hadda waxaa Madax u ah Md.Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliya ee NUSOJ. Kenya Erick Oduor oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta dalka Kenya(KUJ) ayaa ah Xubin u fadhiisan doono Gudga fulinta FAJ. Natiijooyinka doorashada ee lagu dhawaaqay Jimcihii waxay ka dhigan tahay in FAJ ey hadda yeelatay hogaan cusub oo ka kooban Madaxweyne,Madaxweyne ku xigeen,Hanti dhawre iyo lix xubnood oo ka tirsan Gudiga Fulinta ee FAJ. Doorashada ayaa la qabtay Arbacadii ina soo dhaaftay dhammaadkii shir weynihii shanaad ee FAJ oo la qabtay. Xilalka lagu kala Guuleystay ayaa sidaan kala ah:

(1)-Cumar Faaruuq Cismaan(NUSOJ)-Soomaaliya- Madaxweyne.

(2)-Zeyd Dabbar(SNJT)-Tunisiya- Madaxweyne Ku-Xigeen.

(3)-Maria Luisa Carvalho(SJA)-Angola-Hanti-dharw.

GUDIGA FULINTA EE FAJ.

(1)-Charles Erick Oduor(KUJ)-Kenya.

(2)-Maxamed EL-Talbi(SNPM)-Marooko.

(3)-Albert Kwabena Dwumfour(GJA)-Gaana.

(4)-Marion Obam Viviane(SNJC)-Kaamruun.

(5)-Jean Claudi Coulibly(UNJCI)-Ivor Coast.

(6)-Saadaq Ibrahim Axmed(SJU)-Sudan

ISHA/EAST.

HALKAN KA AKHRI.

Previous
Previous

HALEEL GROUP OO KA MID NOQOTAY GANACSATADA DHAQALAH SIISA ALSHABAAB.

Next
Next

XOGHAYAHA GUUD EE URURKA BULSHADA BARIGA AFRIKA OO LAGU..