XILDHIBANAD SAHRA JAMAC OO LAGA SAARAY…

(SAWIRKA)-XILDHIBAANAD SAHRA JAMAC.

(CANADA)-Dagaalka u dhexeeyo Isra’iil iyo Xarakada Xamaas waxa uu raad muuqda ku yeeshay Siyaasiyiin Muslmiin ah ka tirsan Baarlamaanada dalalka Waqooyiga Ameerika sida (Maraykanka iyo Kanada),Ilhan Cumar waa Siyaasiyad ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga dalka Maraykanka waxa eyna ka hadashay xaaladd ey ku sugan yihiin dadka reer Gaza ee uu ku socdo weerarka dhinaca cirka ah ey wadaan diyaaradaha Isra’iil,Ilhan ayaa loo duubay cod loogu sheegaayo in la dilaayo haddii eysan ka waantoobin taageeridda Xarakada Xamaas sida laga soo xigtay Tv-ga NBC ee dalka Maraykanka. Haddii aan tagno dalka Kanada waxaa isna ka dhacday arrin la mida tan Ilhan loo haystay,Sahra Jamac waa xildhibaanad ka tirsan Xisbiga NDP ee Gobolka Ontario ee dalka Kanada, Sahra ayaa laga soo saaray xubinimada gudiga ka dib markii ey Sahra faalooyin ka qortay dagaalka Gaza,Xisbiga Dimuqaraadiga Cusub(NDP) ee Ontario ayaa Sahra ka ceyriyey xarunta Hamilton.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACADAY LEWISTONE.

Next
Next

KENYA OO FAAFISAY SAWIRADDA 35-QOFOOD.