KENYA OO FAAFISAY SAWIRADDA 35-QOFOOD.

(SAWIRADA)-DADKA KENYA BAADI GOOBEYSO.

(NAIROBI)-Dawladda Kenya ayaa soo bandhigtay muuqaaladda dad gaaraayo ilaa 35-qofood oo wada ah rag eyna ku sheegtay iney yihiin Dagaalyahano ka tirsan xoogaga Alshabaab kuna sugan gudaha dalka Soomaaliya,dadkaan ey soo bandhigtay Kenya ayaa ku edeysan iney ka dambeeyeen weeraro argagixiso oo ka dhacay magaala xeebeedka Lamu. Hogaanka dembi baarista dalka Kenya(DCI) ayaa shacabka Kenya waxa uu ka codsaday iney u soo sheegaan haddii ey arkaan dadkaan sawiradooda la soo bandhigay si loo horgeeyo cadaaladda. Dalka Kenya ayaa waxaa dhibaato xoogan ku haayo xoogaga Alshabaab ee isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya in kastoo labada dal hadda ey bilaabeen iney isdhaafsadaan macluumaadka la xiriiro kooxaha Argagixisada kana hawlgala labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

XILDHIBANAD SAHRA JAMAC OO LAGA SAARAY…

Next
Next

DENI UU XAALKA KU XUN YAHAY.